12/6/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 24, 2021
Labadii kursi ee ugu horreeyay ee aqalka hoose oo lagu doortay Galmudug
 

Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Doorashadii ugu horreysay ee aqalka hoose ee deegaannada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Dhuusomareeb iyadoo la doortay labadii kursi ee ugu horreeyay.

Mahad Cabdalle Cawad oo muddo dheer kamid ahaa barlamaanka Soomaaliya, ayaa mar kale ku guulaystay kursiga aqalka hoose, kadib markii uu helay 84 cod, halka Shukri Cali Faarax oo la tartamaysay aysan wax cod ah helin. Sidoo kale 17 cod ayaa xumaaday.

Kursiga labaad ee doorashada aqalka hoose ee Galmudug waxaa ku guulaystay Yuusuf Geelle Ugaas oo helay 82 cod, halka Cabdulqaadir Cabdullaahi oo la tartamayay uu helay 4 cod. 15 codna way xumdeen.

Maamulka Galmudug ayaa noqday maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada aqalka hoose, marka loo eego dowlad goboleedyada kale ee dalka, waxaana dhinaca kale aad usii kordhaya saameynta ay doorashada aqalka hoose ku leeyihiin maamulada.

Dhammaan xildhibaanada hadda soo baxay ma jiro xildhibaan tartan adag u galay inuu kusoo baxo kursiga, waxayna u badan yihiin xildhibaanno dib ugusoo laabtay kuraastoodii.

Cabashada laga cabanayo boobka kuraasta ayaa sidoo kale kasoo yeeraysa magaalooyinka ay ka socoto diiwaan galinta doorashada, waxaana dowaladda lagu eedeeyay in ay faro galin ku hayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
11/24/2021 1:24 PM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday allah u naxariistee Muxidiin Sheelh Muumin oo loo yaqiinay Jiim Sheekh Muumin, kaasoo mudooyin dambe xanuunsanaa sida warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ehelkiisa.

11/24/2021 1:00 PM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maamusha ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF ayaa sharci darro ku tilmaamtay degreeto uu madaxweynaha Puntland ku magacaabay agaasimaha cusub ee PSF.

11/24/2021 8:24 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baledweyne ayaa maanta kulan xasaasi ka yeeshay dardar gelinta arrimaha amniga doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lagu qabto magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/24/2021 8:14 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Wasiirka Difaaca dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga kula kulmay taliyaha guud ee ciidamada Milliteriga Soomaaliya Sarreeye Guuto Odawa Yuusuf Raage.

11/24/2021 7:38 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in talada dalka Itoobiya uu siihaynayo Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Itoobiya Demeke Mokonnen, maadaama Abiyi Axmed uu hoggaaminayo ciidamada qaranka Itoobiya ee dagaalka kula jira TPLF.

11/24/2021 6:23 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa S/guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr u magacaabay agaasimaha hay’adda maamusha ciiddanka PSF ee uu Maraykanku maalgaliyo.

11/24/2021 4:29 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, oo horay uga mid ahaa xubnihii Somaliland uga qayb gali jiray wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay in ay joojinayaan wada-hadalada.

11/24/2021 3:36 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah markale lagu doortay xarunta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

11/24/2021 3:29 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka lugta ee xoogga dalka Soomaliyeed, General Maxamed Biixi ayaa sheegay in aysan marna raalli ka ahaan doonin in AMISOM ku gorgortanto joogitaankeeda Soomaaliya, si loogu fuliyo danaheeda.

11/24/2021 2:15 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee maamulka Puntland ee HADMA ayaa wax kama jiraan ku tilmaamtay warar sheegaya in Puntlad ay kusoo wajahan tahay duufan culus.

11/24/2021 1:14 AM EST
Arbaco, November, 24, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug inay ka bilaabato doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.