12/6/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Wasiir Dubbe oo ka jawaab celiyay eedeyntii kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka jawaab celiyay eedeeyn kulul oo kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliil adag kala dul dhacay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay inuu baal maray sharuucdii doorashada dalka.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa difaacay shaqada uu haayo Raysal Wasaare Rooble oo uu sheegay iney ku socoto wadadii saxda aheyd.

“Doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda. Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Eedeynta kasoo yeertay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa sidoo kale horay uga jawaab celiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala iyo afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu, kuwaas oo si weyn u difaacay shaqada uu haayo Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/23/2021 12:27 PM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay in dalka uu galay Xaalad deg deg ah oo bani'aadanimo oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee dalka kusii faafaya.

11/23/2021 8:18 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Doorashada shan kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo kuraasta qaarkood ay kusoo laabteen xildhibaanno horey u joogay golaha shacabka.

11/23/2021 3:56 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Iyadoo goordhaw si rasmi ah uga bilaabatay doorashada 5 ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya xarunta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye ayaa waxaa la doortay laba ka mid ah kuraasta doorashadooda maanta ka dhaceysa Muqdisho.

11/23/2021 1:47 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Shirkadda la talinta Asal Consulting, oo kaashaneysa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ururka Shaqaalaha adduunka, ayaa waxay si rasmi ah u daah fureen Goobaal Online, oo ah adeeg loogu tala galay ganacsiyada ay leeyihiin Haweenka Soomaaliyeed oo doonaya in ay kobciyaan ganacsigooda.

11/23/2021 1:16 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa soo saaray go’aan loogu mamnuucayo guud ahaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta golaha shacabka in ay qariyaan wajiyadooda, marka ay socoto cod bixinta doorashada.

11/23/2021 12:51 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobolada waqooyi sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Ambassador Axmed Adan Dagaal (Safiina).

11/23/2021 12:42 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed “Biikilo" ayaa Ra'iisul wasaaraha ka fogeeyay inuu wax shaqo ah ku leeyahay qaadida dacwada kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

11/23/2021 12:25 AM EST
Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed Cali, oo kulan la yeeshay guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, ayaa ku dhawaaqay in uu tagi doono jiidda hore ee dagaalka, isla markaana uu hoggaamin doono Ciidamada difaaca Itoobiya, laga bilaabo maanta oo Talaada ah.