4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2021
Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta gobolada waqooyi oo maanta Muqdisho lagu qabanayo
 

Talaado, November, 23, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka ayaa maanta qabanaya doorashada Lix kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee gobolada waqooyi sida uu sheegay afhayeenka guddiga doorashooyinka heer federaal Ambassador Axmed Adan Dagaal (Safiina).

Doorashadan oo ka dhici doonta magaalada Muqdisho, ayaa guddiga doorashada waxay sidoo kale sheegeen in maanta ay ku egtahay diiwaan galinta kuraasta maanta lagu tartamayo.

Afhayeenka guddiga doorashada wuxuu sheegay kuraasta maanta la dooran doono in ay yihiin lix kursi, oo ku biiridoona labadii kursi ee horey loogu doortay oo uu mid kamid ah kusoo baxay raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed Khadar.

Qaar kamid ah kuraasta loo tartamayo, ayaa ah kuraas isku sidkan, waxaana ergooyinku halmar dooranayaan xildhibaannada tartamaya, waana arrin lagu heshiiyay markii la sameynayay habraaca doorashada gobolada waqooyi ee Somaliland.

Afhayeenka guddiga doorashada ayaa ugu baaqay maamulada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle in ay soo saaraan liiska musharraxiinta aqalka hoose, inkastoo uu sheegay in maamulada qaar ay ka filayaan liis badan oo kuraasta doorashada ah.

Si kastaba ha ahaatee, golaha musharraxiinta madaxweynaha ayaa dhawaan walaac xooggan waxay ka muujiyeen in doorashadu ku socoto qaab gaabis ah oo keeni kara dib u dhac aan xaddidnayn.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online