3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Tahriibayaal Soomaali ah oo dib u dajin loogu sameeyay dalka Canada
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay Canada dib u dejin ugu samaysay 71 qaxooti ah oo ay ku jiraan 37 carruur ah, kuwaas oo laga keenay dalka Libya.

Bayaan kasoo baxay hay’adda UNHCR ayaa lagu sheegay in qaxootigan oo muddo ku dhibaataysnaa dalka Libya ay kasoo kala jeedan waddamada Suuriya, Suudaan, Falastiin iyo Soomaaliya.

Hay’addu waxay sheegtay in ay hadda jiraan 41,404 qaxooti iyo magangalyo doon ah oo ka diiwaan gashan xafiiska UNHCR ee Libya.

Libya ayaa ku jira fowdo tan iyo markii la riday Mucamar Al-Qadaafi, sanadkii 2011-kii, taasoo dalkaas ka dhigtay meel ay door bidaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee doonaya inay badda Mediterranean-ka uga gudbaan Yurub.

Sanadkan, wadar guud oo ah 29,427 muhaajiriin sharci-darro ah, ayaa lagasoo badbaadiyay badda Mediterranean, halka 490 ay dhinteen, 736 kalena lagu waayay meel ka baxsan xeebaha Libya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
11/22/2021 2:18 PM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan jirin xeer tartanka doorashada ka mamnuucaya saraakiisha dowladda Soomaaliya ee xilalka ka haya iyo kuwa aan haynba.

11/22/2021 4:09 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta kala wareegay Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Baledweyne agab loogu talo galay hubinta amniga goobaha ay ka dhaci doonaan doorashada Golaha Shacabka.

11/22/2021 1:39 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafada Jamhuuriyada ee degmada Kaaraan waxay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka degan xaafadaasi, waxaana lagu magacaabi jiray marxuumka la dilay Mukhtaar Yaxaloow

11/22/2021 1:22 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Xildhibaan Yuusuf Xasan, oo laga soo doorto degmada Kamukunji ee magaalada Nayrobi iyo Soomaalida xaafadda Islii, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray senator katirsan aqalka sare Kenya oo dhawaan sheegay in xaafadda Islii lagu iibiyo hubka.

11/22/2021 12:38 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa caddaalad darro ku tilmaamay natiijada kasoo baxday guddigii loo magacaabay baarista kiiska gabadhooda oo hay’adda NISA ay horey u sheegtay in ay afduubteen oo ay dileen kooxda Alshabaab.

11/22/2021 12:35 AM EST
Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa intiisa badan laga soo sheegayaa inay ka jirto abaaro ba'an oo dadka iyo duunyadaba saamaysay.