4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2021
Abaaro ba'an oo laga soo sheegayo inta badan dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya
 

Isniin, November, 22, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa intiisa badan laga soo sheegayaa inay ka jirto abaaro ba'an oo dadka iyo duunyadaba saamaysay.

Haddaba meelaha ay abaartu aad u saamaysay ayaa waxaa kamid ah, gobolka Daawa oo ay ku barakaceen dad aad u tiro badan, halka duunyo aad u badana ay ku baaba'een abaarta, sida ay sheegeen dadka ka agdhaw goobaha ay abaartu sida xun ugu dhifatay.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa dhankooda waxay sheegeen inay wadaan dadaalo wax loogu qabanayo dadka ay abaartu saamaysay, iyadoo xaaladda abaartuna ay haatan marayso meel adag, isla markaana la filayo in bilaha soo socda ay kasii darto abaartu, sida uu sheegay Wasiirka khataraha iyo masiibooyinka ee dowlad degaanka Soomaalida.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka iskood isku xilqaama ayaa dhinacooda waxay ka bilaabeen biyo dhaamin loo samaynayo dadka ay abaartu saamaysay ee oonku ugu siidaran yahay, waxaana kamid ah dadkaasi meelaha ay biyo dhaaminta ka bilaabeen goobo kamid ah Wardheer iyo Mooyaale, sida ay sheegtay Siman Cilmi oo kamid ah Samafalayaasha ka hawlgala dowlad degaanka Soomaalida.

Abaarta haatan ka jirta dowlad degaanka Soomaalida ayaa noqotay mid aad looga dayrinayo, iyadoo dadka iyo xoolahoodaba  ay ku barakacayaan meelaha ay is leeyihiin waad ku noolaan kartaan, balse xoolaha ay dadkaasi wataan intooda badan meelna magaaraan, oo dhexda ayay ku bakhtiyaan oon dartii.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]