4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Guddiga baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo soo saaray natiijo hordhac ah
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Guddigii baarayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar ka tirsan NISA oo la la’yahay tan iyo June 26 2021, ayaa caawa soo saaray natiijo horudhac oo ay sheegeen inay kasoo baxday baaritaankooda.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jeneraal Cabdullaahi Kameey oo ka mid ah guddiga ayaa sheegay inay baareen xubno ay ka mid yihiin taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, taliyaha NISA ee iminka Yaasiin Farey, Cabdullaahi Kulane, Asma Yuusuf iyo Cabdiqani Wadna Qabad oo ka tirsan NISA.

Gen Kameey ayaa sheegay in hay’adda NISA ay si hufan ula shaqeeyeen inta ay wadeen baarista Kiiska Ikraan Tahliil.

"Intii ana baarista kiiska ku guda jirnay guddiga uma soo bixin wax cadeyn ah haba yaraatee oo muujinaya in maqanad Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta gacmaha saraakiisha hay'adda NISA," ayuu yiri Kameey

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka ayaa dhanka kale sheegay in guddiga baarista kiiska Ikraan ay hay'adda NISA u soo gudbisay qoraal sheegaya in Ikraan ay afduubteen Al-shabaab ka dib-na ay dileen.

Kameey ayaa sheegay in guddiga ay baaristooda kasoo baxday inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in sarkaalad Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey ayaa sidoo kale sheegay in ay booqdeen xafiiska hay'adda nabad-sugidda iyo sirdonka qaranka ayna dib u eegeen kamarooyiinka amaanka ee CCTV loo yaqaano.

Waxa uu intaas ku daray in Guddiga uu la wareegay gal baariseedka NISA ee sheegaya in Ikraan ay dileen Al-Shabaab, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inaysan wax shaqo ah ku laheyn dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay la waayay ilaa 26 bishii June Sanadkan, balse Muddo ka dib ayaa qoraal ay soo saartay hay'adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka waxaa lagu sheegay in ay Alshabaab Afduubteen ka dib-na ay dileen.

Warkan ka soo baxay xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa ku soo beegmaya xilli ay maanta soo saareen musharaxiin ka tirsan golaha shacabka in loo boobayo kursigooda taliyaha kumeelgaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey.



Yuusuf Cabdi Shire,Hiiraan Online
[email protected]