4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Cabdiraxmaan Cirro oo ka jawaabay eedayntii madaxweyne Biixi u jeediyay
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka jawaabay eedayntii uu madaxweyne Biixi u jeediyay shalay, ayaa sheegay in madaxweynaha looga fadhiyay in uu ka hadlo siyaasada iyo xaalada guud ee Somaliland halkii uu isaga weerari lahaa.

"Shacabku waxa ay kaa filayeen in aad si weyn uga hadli doontid arrimaha geeska, dhaqaalaha dalka, maciishaddan qaaliga ah, siyaasadda gudaha & dibedda, iyo arrimaha doorashooyinka. Ummaddu kaama ay filayn yooyootan iyo xajiimo hor leh oo aan munaasib ku hayn madasha aad joogtay" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sidookale, madaxweyne Biixi ku dhaliilay in aanu xusin gacantii uu madaxweyne Siilaanyo ku lahaa heshiiska dib loogu dhisay madaarka casriga ah ee Berbera, oo xukuumadii Siilaanyo dib u dhiskiisa la saxeexatay dowlada Imaraatka Carabta.

"Waxa aan ahay shakhsi aqoon u leh arrimaha dowladdnimada mana ihi nin ku xad-gudba sharafta madaxda, waxaas'e yaab umadda iyo annigaba ku noqotay in aanad hal mar xusin madaxweyne Siilaanyo shacabkana aanad dib u xassuusin in libinta Madaarka Berbera uu isagu lahaa" ayuu yidhi Cirro.

Cirro oo ka jawaabaya dhaliishii madaxweyne Biixi uu ku dhaliilay in xisbigiisu kasoo horjeeday heshiiska dib loogu dhisay madaarka iyo dekedda, ayaa sheegay in xisbigiisu aanu kasoo horjeedin horumarka ee uu kasoo horjeeday habka heshiiska loo maamulay.

"Xisbi ahaan marnaba maanu diidaneyn wixii qaranka u soo kordha ee waxa aanu diidaneyn qaabki xisbigaaga Kulmiye u qardo jeexayey ee baal-marsaneyd sharciyadda dalka" ayuu yidhi Cirro.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]