4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Puntland oo xukun dil ah ku riday labo kamid ah Shabaabkii weeraray xabsiga Boosaaso
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Maxkamadda ciiddamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan ururka Alshabaab oo ka qeyb qaatay weerarkii bishii march ee  sanadkan lagu qaaday xabsiga magaalada Boosaaso.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo Maxamuud Cabdirixiin Cabduqaadir Xifdiye iyo Maxamed Cismaan Madey Cismaan ayay maxkamaddu sheegtay in ay askar ku laayeen intii uu socday weerarkii ay kusoo qaadeen xabsiga Bosaso.

Xukumayaasha oo maxkamadda ka hadlay ayaa qirtay in ay kamid ahaayeen Alshabaab iyo guutadii loosoo diray in ay xabsiga, balse waxay ku andacoodeen in aanay ka qeyb qaadan weerarka xabsiga.

Guddoomiyaha maxkamadda gaashaanle dhexe Cabdirisaaq Jaamac Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee eedeysanayaasha lagu riday. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay maxkamaddu siisay racfaan bil ah, oo ay isaga difaacaan xukunka lagu riday.

Raggan xukunka lagu riday waxay qeyb ka ahaayeen rag katirsan Alshabaab  oo gacanta lagusoo dhigay saacaddo kadib weerarka xabsiga, waxaa lagu soo qabtay howlgal ciiddanku kaga daba tagayeen dableydii xabsiga weerartay iyo maxaabiistii fakatay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online