4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 21, 2021
Shan qof oo gobolka Gedo ugu geeriyooday abaaraha ka jira Jubbaland
 

Axad, November, 21, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 3 qof ayaa gaajo ugu dhintay tiro kale oo aan la xaqiijin way is dal-daleen kadib markii ay xoolahoodii ku waayeen abaarta ka jirta gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida uu sheegay guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye Axmed, dadka dhintay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen caruur. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in boqolaal qoys iyo dad ka soo barakacay deegaano kale ay soo gaareen xarunta degmada.

Waxa uu ka codsaday hay’adaha samafalka in ay soo farageliyaan, wuxuuna ka digay dad badan in ay nolashooda halis ugu jirta haddii ay sii dheeraato xaaladda abaaraha ka jira gobolka Gedo.

Deegaanada ugu daran ee ay ka jiraan abaaraha ayaa waxaa ka mid ah tuulooyinka Golweyn, Yurkud iyo deegaano kale oo u dhaxeeya Garbahaarey iyo Luuq ee gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiirro oo la faray in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.
Deegaannada Jubbaland ayaa ah meelaha ugu darran ee abaartu saameysay, iyadoo hadda ay billaabatay in ay dadku u geeriyoodaan haraad iyo gaajo, kadib markii ay waayeen biyo iyo cunto ku filan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online