4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay waqtiga lasoo gabagabeyn doono howlaha Doorashada Golaha Shacabka

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Iyadoo saacadahii ugu dambeeyay maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay soo saareen liisas bilaaw u ah doorashada kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxaa arintaasi boggaadiyay guddiga doorashada heer Fedaraal.

Afhayeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney boggaadinayaan liisaska ay kusoo gudbiyeen waqtigii loo baahnaa ee loo qabtay iney bilaawdaan howlaha doorashooyinka maamulada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Somaliland, isagoona ugu baaqay maamulada kale ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle iney si deg deg ah u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Afhayeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Axmed Safiina ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeyn doono howlaha doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

“Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, waxa kale oo aan cadeynaya in doorashada dhamaanteed ay inoo soo dhamaan doonto 24-ka December ” ayuu yiri Afhayeen Axmed Safiina.

Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka doorashada ayaa imaanaya xili dhowr jeer oo hore waqtiyadii ay ugu talo galeen howlaha doorashooyinka ay dib u dhaceen, waxaasa markaan muuqaneysa in wax uun rajo ah ay ka muuqato iney doorashada ku qabsoonto waqtiga loo balamay maadama maamulada qaar durbaba ay bilaabeen gudagalista howlaha doorashada Golaha Shacabka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]