4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 20, 2021
Faysal Cali Waraabe oo Cabdidiraxman Cirro ku eedeeyay in dowlada Soomaaliya ku shaqaysanayso
 

Sabti, November, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in Xamar looga soo dhiibay hadalkiisii ahaa in 'China Taiwan ka muhiimsanyahay'.

Faysal ayaa ku andacooday in hadalkaasi ahaa shirqool ay dowlada Soomaaliya soo maleegtay, isagoo sheegay in Xamar ku mashquulsantahay daminta iftiin kasta oo Somaliland usoo kordha.

"Maalintii dhawayd Cabdiraxmaan Cirro Taiwan ayuu ka hadlay, Taiwan arrinteedu arrin Xamar ka timid ayay u egtahay, waayo Xamar iftiinkii inoo baxaba in ay inaga bakhtiiso ayay doonaysaa, inaga ayayna ina isticmaalaysaa" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in Somaliland ay u simanyihiin Jamhuuriyada China iyo Taiwan, isla markaana ay soo dhawaynayaan in ay xidhiidh Somaliland la yeelato labada dhinacba "China iyo Taiwan labadaba waynu u furanahay".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]