Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo hakiyay natiijada kursigii loo doortay Mahdi Guuleed

 

Talaado, November 2, 2021 (HOL) - Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa hakiyay Ku dhawaaqista natiijada kursigii uu ku guulaystay raysal wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

newsinsideGuddiga ayaa sheegay in xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo kursigan horey ugu fadhiyay tobankii sano ee ugu dambeysay uu dacwad ka dhan ah kursigan usoo gudbiyay guddigooda, isagoo sheegay in kursiga laga boobay beesha uu kasoo jeedo.

Guddiga xallintu waxay kadib fareen guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2 November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online