12/6/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Dowladda Kenya oo gacanta kusoo dhigtay saddex nin oo ku eedaysnaa dambiyo argigixiso oo xabsiga ka baxsaday isniintii
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa dib gacanta ugusoo dhigtay eedeysanayaal Argagixiso oo ka baxsaday Xabsi kuyaalla dalka Kenya, kuwaas oo  hadda lagu xiray Kitui xilli ay ku sii jeedeen Soomaaliya.

Raggan oo lagu kala magacaabo Mohammed Ali Abikar, Joseph Juma Odhiambo iyo Musharaf Abdallah Washiali, ayaa Waxa ay ka baxsadeen xabsi si weyn ammaankiisa loo ilaalinayay.

Waxa ay jebiyeen gidaarka qolka ay ku jireen. Kadib waxay adeegsadeen bustayaal, xadhig iyo ulo xaaqin ah si ay u abuuraan xadhko macmal ah oo ay kaga boodaan darbiga xabsiga.

Arbacadii, madaxweyne Kenyatta ayaa ku amray wasiirkiisa arrimaha gudaha Kenya Dr. Fred Matiang’i, in wax kaste lagu bixiyo sidii gacanta loogusoo dhigi lahaa saddexdan nin.

Mid kamid maxaabiista dib loosoo qabtay ayaa ku xukumnaa 41 sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee  Kenya ka dhacay.

Isniintii ayuu ka baxsaday xabsiga, isaga iyo labo maxbuus oo kale oo loo haystay dambiyo la xiriira argagixisanimo, sida ay masuuliyiinta Kenya warbaahinta u sheegeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay hogaanka dambi baarista Kenya ayaa lagu sheegay mid ka mid ah maxaabiistii baxsatay ee lagu magacaabo Maxamed Cali Abiikar oo 41 sano lagu xukumay  inuu ku lug lahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii oo lagu dilay 148 ruux oo arday u badan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online

 












Click here
11/18/2021 3:18 PM EST
Khamiis, November, 18, 2021 (HOL) - Ciidamo tirradoodu dhantahay 200 oo askar, oo wata 10 baabuur oo tikniko ah, ayaa ka goostay milliteriga Somaliland kuna biiray jabhada SSC ee baryo ka dagaalami jirtay bariga Somaliland.

11/18/2021 12:19 PM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Golaha midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saareen waxay kaga digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta boob lagula kaco doorashada aqalka hoose, taasoo ay sheegeen in ay ka dhalan karto colaad sokeeye.

11/18/2021 7:20 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay madaxda siyaasadda dalka in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo in baarlamaanka federaalka la soo doorto ka hor dhamaadka sanadkan si doorashada madaxweynaha ay ugu dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.

11/18/2021 3:45 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay shanta kursi ee ugu horeysa ee la qabanaayo doorashadooda maalmaha soo socda.

11/18/2021 2:21 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegay in guul ugu soo dhamaatay safarkiisii ku aadanaa u kuurgalida howlaha doorashooyinka.

11/18/2021 2:11 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

11/18/2021 2:06 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogasho waxay ku dileen nin la sheegay inuu bastoolad ku hubeysnaa, kaaso dil u geystay ka hor inta aanan asaga la dilin nin ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdiqaadir Muudeey oo si weyn looga garanaayay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

11/18/2021 12:36 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo kamid ah senatoradii dhawaan dib loogu doortay aqalka sare ayaa warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ku shaaciyay inuu iska casilay kursiga mar kale loo doortay.

11/18/2021 12:32 AM EST
Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay labadii weerar ee lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar iyo dad rayid ah oo ka dhacay Kampala Talaadadii.