4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Ciidamada dowladda oo toogasho ku dilay nin hubeysnaa oo dilay Ganacsade Caan ka ahaa degmada Dharkeenleey
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogasho waxay ku dileen nin la sheegay inuu bastoolad ku hubeysnaa, kaaso dil u geystay ka hor inta aanan asaga la dilin nin ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Cali Cabdiqaadir Muudeey oo si weyn looga garanaayay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Cabdiqaadir ayaa la dilay xili uu kusii jeeday Masaajidka sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ahaa, waxaana dilka kadib si dhaqso ah goobta ku gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Ninka hubeysna ee dilka geystay iyo ciidamadii kusoo baxay falkaasi ayaa israsaaseeyn muddo kooban socotay waxay ku dhexmartay guri uu galay ninka hubeysnaa, waxaana ugu dambeyn ciidamada dowladda u suurtagashay iney dilaan ninkii hubeysnaa.

"Ciidankeenu waxuu u diyaarsanaa ka hortaga dhibaatooyinka cadawga ku hayaan shacabka, waxaana ninka ka tirsana cadawga umadda ee dilka geystay uu isku dayay inuu baxsado kuna dhuuntay guri dad shacab ah dagan yihiin, ciidanka waxa u suurta gashay in carurtii ku jirtay qolka uu ka dhex dagalamayay dhagarqabaha iney so badbadiyaan asagana meesha ku toogtaan" ayuu yiri taliyaha Booliiska Qeybta Galbeed Yaasiin Ganeey.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe si aad ah ugu soo badanaayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka shacabka ah, waxaana habeen hore gurigiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid lagu dhex dilay nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Nuur.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]