4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 18, 2021
Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo iska casilay kursigii xubinta aqalka sare
 

Khamiis, November 18, 2021 (HOL) - Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) oo kamid ah senatoradii dhawaan dib loogu doortay aqalka sare ayaa warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ku shaaciyay inuu iska casilay kursiga mar kale loo doortay.

Senator Dhageey ayaa ku sheegay sababta uu kursiga isaga casilay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta. Wuxuu ka codsaday madaxweyne Qoor inuu aqbalo iscasilaadiisa, dibna kursiga loogu celiyo reerkii iska lahaa.

Iscasilaadiisa ayaa kusoo beegantay, iyadoo xalay madaxwyenaha Galmudug uu ku dhawaaqay in doorashada golaha shacabka ay bilaabaneyso maanta oo Khamiis ah 18 bisha November. lana dooranayo shan kursi.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Senator Dhageey uu isku casilay si uu ugu tartamo kursi kamid ah aqalka hoose, balse si dhab ah warkaas looma xaqiijin karo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online