Sabti, November 13, 2021 (HOL) - Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Antony J. Blinken ayaa 15-ka bishaan booqan doona dalka Kenya, isagoo la kulmi doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo xoghayihiisa arrimaha dibadda, Raychelle Omamo.
newsinsideSocdaalka xoghayaha difaaca Maraykanka Antony J. Blinken uu ku tagayo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid uu masuuliyiinta Kenya kala xaajoondoona iskaashiga istaraatiijiyadeed ee uu Maraykanku la leeyahay Kenya.
Xoghayaha iyo wakiillada dowladda Kenya waxay ka wadahadli doonaan wax ka qabashada arrimaha amniga gobolka sida Itoobiya, Soomaaliya, iyo Suudaan.
Antony J. Blinken ayaa sidoo kale ku dhawaaqidoona taageerada Mareykanka ee ku aaddan doorasho nabad ah oo dimuqraadi ah oo ka dhacda Kenya sanadka 2022-ka.
Maraykanka ayaa saaxiib dhow la ah Kenya, isagoo dalkaas ku leh saldhig military oo laga maamulo howlgallada cirka ee lagula dagaalamayo kooxda Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online