Khamiis, November 11, 2021 (HOL) - Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray Kolonyo katirsanayd ciiddanka AMISOM oo marayey Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho.
newsinsideWeli macluumaad rasmi ah lagama hayo, hase yeeshee, dhimasho iyo dhaawac shacabka ah ayaa lasoo sheegayaa, sida lagasoo xigtay saraakiil katirsan ciiddanka Booliiska.
Waxaa xusid mudan in goobta uu weerarkan ka dhacay in dhawaan weerar nuucaan oo kale lagula eegtay taliyaha ciiddanka booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.
Weerarkan ayaa kusoo aaday, iyadoo isla maanta degmada Wadajir bom gacmeed lagu tuuray askar katirsan canshuur qaadayaasha ay ku dhaawacmeen saddex askari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online