Madaxweyne Biixi oo magacaabis iyo xil ka qaadis sameeyay

 

Arbaco, Noveber, 10, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye u magacaabay wakiilka cusub ee Somaliland u joogi doona dalka Kenya, madaxweynaha ayaa sidoo kale, xilkii ka qaaday badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Sool Saleebaan Diiriye Cabdi, waxaanu xilkaas u magacaabay Maxamed Aadan Cumar.

newsinsideXafiiska Somaliland ee Kenya ayaa muddo ku dhow laba bilood iyo badh ahaa bilaa wakiil, waxaana xilkaa si ku meel gaadh ah usii hayay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle, kadib markii wakiilkii hore ee Somaliland u joogi jiray Kenya Amb: Baashe Cawil Cumar oo xilkaa iska casilay 3 bishii September.

Hoos ka dheeho wareegtada madaxweynaha oo faah faahsan:-



Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]