4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Wasiir Dubbe: Waxba kama jiraan in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Dooxa
 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegaya in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku kulmayaan magaalada Dooxa, si ay uga wada hadlaan arrinta badda.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in aysan marnaba Kenya kala hadlayn arrimaha badda, isagoo sheegay kiiskaas in ay gacanta ku hayso maxkamada caddaalada adduunka oo go’aankeeda laga sugayo.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay waxa hadda laga hadlayo in ay tahay sidii loo wanaajin lahaa xidhiidhka xumaaday ee laba dal, laakiin aysan waxba kama jirin wararka la faafinayo ee sheegaya in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku kulmayaan Doha/Qatar oo ay ka wada hadlayaan arrinka Badda.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo aadaya kadib markii la faafiyay  in dowladda Qatar ay madaxweyne Farmaajo ku riixayso in arrinta badda laga soo celiyo maxkamada ICJ islamarkaana labadooda ka wada xaajoodaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online