4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Laascaanood : Dadaalo la doonayo in lagu illaaliyo amaanka magaaladda Laascaanood Ciida darteed
 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) - Sida ka muuqata suuqyada magaalada Laascaanood oo habeenadii la soo dhaafay aan albaabada loo xidhin ayaa waxaa meelaha qaarkood laga soo sheegayaa falal budhcadnimo.

Gudiga nabadgelyada gobolka oo arintaas shir ka yeeshay ayaa soo saaray qodobo dhawr ah oo lagula dagaalamayo falalkaas oo badanaa la sheego in ay ka danbeeyaan dhalinyaro aan macna weyn uga jeedin.

Qodobadan ayaa waxa ka mid ahaa in gebi ahaanba uu mamnuuc yahay sidashada hubka, sidoo kale lagu xukumi doono sadex bolood oo xadhig ah, waxa kale oo ugu muhiimsanaa gaadiidka aan sumada lahayn (Taarikada) iyo kuwa muraayadaha bacda madow ku dhejiya oo laga fiiqi doono.

Waxa kale oo ay gudigu xuseen dadka qaata direyka kala duwan ee ciidamada sida Tuutaha in sharciga la horgeyn doono iyo sidoo kale gaadiidka habeenkii camal la'aanta la wareega oo iyagana la sheegay in la qaban doono.

Talaabooyinkan ayaa waxa ay aad u yaraynayaa ayaa la filayaa falalka ay dhalinta suuqa ka ugaadhaa geystaan maalmaha kooban ee ciidaha loo diyaargaroobayo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Laascaanood