4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 9 , 2021
Hooyo iyo carruur ay dhashay oo ku dhintay darbi ku soo dumay

 

Axad, May, 09, 2021 (HOL) -  Ugu yaraan Lix ruux ayaa dhimatay dad kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii uu ku soo dumay darbi la sheegay in ay gabaad uga dhiganayeen roobab lixaad leh oo saacadihii ugu danbeeyay ka da'ayay magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay dhacdadan ayaa waxaa ka mid ah hooyo iyo shan carruur ah oo dhashay sidoo kale ilmo kale oo yar oo sida la sheegay ay qaraabo ahaayeen.

Goobjogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qoyskan uu darbiga ku soo dumay ahaayeen qoys danyar ah oo ka mid ah dadka barakacayayaasha ee ku nool Jaamacadda Shabeelle ee dulleedka  magaalada Muqdisho.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale oo shan carruur ah oo isku qoys ah ku dhinteen daadad ka dhashay roobabka ka da'aya magaalada magaalada Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay saameeyeen roobabka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]