4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 8 , 2021
Waalidiinta wiilashooda tababarka loogu diray Eritrea oo dalbaday in loosoo celiyo ilmahooda
 

Sabti, May, 08, 2021 (HOL) - Waalidiinta wiilashoodu tababarka ciidan ugu maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta Muqdisho ku dhigay cabasho ay dowladda Soomaaliya kaga dalbanayaan in wiilashooda meel loogu sheego.

Qaar kamid ah waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa dowladda ka dalbaday in ay ilmahooda usoo celiso, waxayna sheegeen in ilmahooda ay kasoo carareen Eritrea kuna dhibaataysan yihiin Itoobiya iyo Suudaan.

Waxay sheegeen waalidiintu in muddo labo sano ilmahooda ay ka maqan yihiin islamarkaana dhawaan ay Muqdisho yimaadeen qaar kamid ah dhalinyaro loo diray Eritrea oo iyaga ka dambeeyay.

“Arrintan waa musiibo qaran. Ma ahan wax cid ku kooban. Fadhiga halooga kaco. Waxaan doonaynaa in nala ka caawiyo in warbixin nala ka siiyo carruurteena oo madaxweynaha loo tago. Meel kasta Askari iyo dhagax ayaa ku go'an” ayuu yiri mid kamid ah Aabbayaasha wiilashiisu ka maqan yihiin.

Waalidiintu waxay sheegeen in ay sameyn doonaan mudaharaad weyn haddii aysan dowladdu kasoo jawaabin cabashadooda. Waxay sheegeen illaa bacdal Ramadaan haddii jawaab ay ka heli waayaan dowladda in ay xiridoonaan  jidadka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in ay dhibaataysan yihiin dhalinyarada tababarka loogu diray dalka Eritrea, waxayna ku tilmaamtay arrin la siyaasadeeyay oo dano laga leeyahay.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online