4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 8 , 2021
Hal qof oo ku geeriyooday balli biyood ku yaala dagmada Allaybaday oo katirsan gobolka Gabilay
 

Sabti, May, 08, 2021 (HOL) - Cumar Axmed Aadan oo aha aabo 4 caruura dhalay, ayaa ku nafwaayay balli biyood ku yaala dagmada Allaybaday, ee gobolka Gabilay, Cabdiqadir Maxamuud Ismaaciil oo marxuumka la socday ayaa isna la bad badiyay.

Cumar iyo asxabtiisa ayaa u dabaal tagay balli ku yaala duleedka galbeed ee dagmada Allaybaday, wuxuuna ku qarqoomay biyaha oo uu ku dhintay.

Cabdiqadir oo isku dayay in uu bad baadiyo ayaa isna waxyeelo soo gaadhay, oo laftiisa dirqi lagu bad baadiyay, waxana lagu daweeynaya xarun caafimaad oo ku taala magaalada Allaybaday.

“Cumar iyo laba inan oo kale ayaa balliga ku dabaalanayay, kadibna Cumar ayay biyuhu liqeen oo dhintay” sida waxa HOL u sheegay guddoomiyaha Allaybaday Cabdirisaaq Sh. Cabdillaahi aw Gaab.

“Markii uu Cumar qarqoomay ayuu Cabdiqadir oo la socday bad baadi is yidhi ilaa oo isagiina ay biyuhu liqeen oo dirqi lagu bad baadiyay waxa lagu daweynaya xarun caafimaad oo dagmada ku taala” ayuu guddoomiyuhu hadalkisa kusii daray.

Cumar Axmed ayaa noqonaya qofkii 4aad ee ku nafwaaya balli biyood muddo 5 maal mood ah, gudaha Somaliland.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]