Madaxwayne Mustafe cagjar oo hadda Gaari minibus ah guddoonsiiyay Guuleed yare


Arbaco, May 05, 2021 (HOL) - Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar oo dhiirigalinaya Guuleed Ibraahim ayaa waxaa uu galabta guddoonsiiyay gaari minibus ah.

newsinsideGuuleed Ibraahim ( Guuleed yare ) ayaa ahaa wiilkii bajaajlaha ahaa ee hadda ka hor lacag lagu dhex ilaaway bajaajtiisa u celiyay qofkii lahaa,  lacagtaas oo dhanayd 300.000 Birr.

Arrintan ayaa waxay dhiirigalin u noqonaysaa dhalinyarta bajaajta ku shaqaysa, oo hadda kaddib isku dayaya inay ku daydaan Guuleed yare.

Guuleed yare ayaa ah wiilkii u horeeyay ee degaanka Soomaalida u dhasha ee Bajaajtiisa lacag lagu ilaaway celiya,  isla markaana lagu abaal mariyo gaari mini bus ah.

Abdilahi Jawhar,  Hiiraan Online
[email protected]