4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 3 , 2021
Yurub oo qafiifineysa qeybo ka mid ah xayiraada Covid 19 ee muddo dheerba saarnaa

 

Isniin, May 03, 2021 (HOL) -  Qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa bilaabay in ay qaadaan ama qafiifiyaan qeybo ka mid ah xayiraada saaran  xanuunka Covid 19 waxaana shalay laga qaaday dalka Portugal xanibaadihii saarnaa.

Qafiifintan xayiraada ayaa laga bilaabi doonaa maqaayadaha wax laga cuno iyo goobaha cabitaanada oo furnaan doona ilaa 10:30 fiidnimo, iyada oo miiskiiba ay fariisan karaan lix qof meherada gudahooda, halka bannaankana ay fariisan karaan ilaa 10 ruux.

Inta badan goobaha Ganacsiga ayaa furnaan doona ilaa Sagaalka fiidnimo maalmaha Isniinta ilaa Jimcaha halka daba-yaaqada Todobaadkana ay furnaan doonaan ilaa todobada fiidnimo.

Xannuunka Covid 19 ayaa marka laga soo tago dadka uu soo ritay waxaa uu saameyn adag ku yeeshay dhaqdhaqaaqa dadka iyo goobaha ganacsiga oo xayiraad joogta ah lagu soo rogay.

Laakiin go'aankan ay qaateen qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ugu yaraan soo celin kara rajada dhaqdhaqaaqa dadka  iyo goobaha ganacsiga.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]