
newsinsideWakiilka Gaarka ah wuxuu ku amaanay dhamaan daneeyayaasha siyaasadeed ee dadaalka ay ugu jiraan sidii xaalada loo dajin lahaa, balse wuxuu ka digay talaabo kasta oo horseedi karta burburka shirkaan oo carqaladeyn doona horumarka Soomaaliya.
“Waa lagama maarmaan in shir madaxeedka ka socda magaalada Muqdisho laga soo saaro heshiis la fulin karo oo ah in doorashada lagu qabto waqtiga ugu macquulsan. Haddii aan la helin heshiis noocaas ah, oo ay weheliso niyad wanaag iyo daacadnimo, waxaa imaan kara xasillooni darro iyo amni-darro hor leh." ayuu yidhi James Swan.
Shirka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta galay maalin nasiino ah, iyadoo rajo weyn laga qabo in hoggaamiyeyaashu ay gaaraan heshiis ku saleysan qaabka doorashada ee 17ka Sebtember iyo soo jeedinta Guddiga Farsamada ee 16ka Febraayo.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online