Golaha midowga musharraxiinta oo soo dhoweeyay in raysal wasaare Rooble uu la wareegay hoggaaminta doorashada

 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Midowga Musharraxiinta ayaa  soo dhoweeyay  in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka.

newsinsideWarsaxafadeed kasoo baxay Goloha musharraxiinta ayaa lagu sheegay in goluhu uu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow.

Golaha musharraxiinta waxay hoosta ka xarriiqeen in wixii ka danbeeya 1/5/2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabtamayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa.


 HALKAASE HOOSE KA AKHRISO WARSAXAAFADEEDKA.




Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online