4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 2 , 2021
Mareykanka oo sheegay in uu soo dhaweynayo tallaabadii ay shalay qaateen xildhibaannada Golaha Shacabka

 

Axad, May 02, 2021 (HOL) - Bayaan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa kagy sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabadii ay shalay qaadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, taas oo si rasmi ah dib loogu noqday heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020.

"Waxaan boogaadineynaa ku dhawaaqistii Madaxweynaha ee aheyd in Ra'isul Wasaare Rooble uu hoggaamin doono dadaallada dowladda Federalka ee ku aaddan dhameystirka heshiiska iyo kor kala socoshada hirgalinta howlaha doorashooyinka oo ay ku jirto diyaarinta amniga" ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

"Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada uu ka dhexeeyo heshiiskan inay si degdeg ah u kulmaan, iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin wadahadalka, si loo dhameystiro qaban-qaabada doorshada, loona billaabo dhaqangalinta wadashaqeyn daahfuran. Mareykanku wuxuu diyaar u yahay sida ugu dhaqsaha badan inuu gacan ka geysto qabashada doorashooyinka" ayaa lagu soo gabagabeeyay Bayaanka dowladda Mareykanka.

Maalintii shalay ayuu Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaalya ka laabtay go'aankii 12-kii April ay muddo laba sano ah ugu kordhiyeen hay'adaha dowladda Federaalka, kaas oo ay ugu yeereen jiheynta doorashada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]