4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 18, 2021
Guddoomiyihii gobolka Wajeer oo xil ka qaadis lagu sameeyay

 

Talaado, May, 18, 2021 (HOL) - Aqalka Senetka dalka Kenya ayaa u coddeeyay in xilka laga qaado guddoomiyihii gobolka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud kaddib markii ay u coddeeyeen xil ka qaadistiisa 25 xubnood oo ka tirsan Aqalka.

Barasaabka ismaamulka Wajeer ayaa waxaa horey xil ka qaadis ugu sameeyay golaha wakiilka ee ismaamulka Wajeer.

Aqalka Senetka ka hor waxaa xil ka qaadistiisa u codeeyay Golaha wakiilada oo markii danbe go'aanka ay gaareen u soo gudbiyay Aqalka Senetka oo ugu danbeyntii ku raacay Golaha Wakiilada 

Waxaa lagu eedeeyay guddoomiyaha in uu jabiyay sharciga dowladda ismaamulka Wajeer iyo in uu ku tuntay sharciga qandaraas bixinta.

Waxaa uu barasaabkii ismamaulka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud noqonayaa barasaabkii ugu horeeyay ee ka soo jeeda gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi bari Kenya oo xil ka qaadis lagu sameeyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]