5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 17, 2021
Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaano hoostaga Baledweyne
 

Isniin, May, 17, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaala duleedka magaalada Baledweyne.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay lab Maleeshiyo beeleed oo walaalo ah kuwaas oo horay ugu dagaalamay deegaanada aay maanta markale dirirtu ku dhexmartay.

Dagaalka maanta ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 6 ruux oo kala ah dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan.

Dagaalka ayaa mudadii uu socday waxaa labada Maleeshiyo beeleed aay kala gubeen guryo ku yaala deegaanada aay maanta ku dagaalameen oo kala ahaa Baladu-nuur, Bacaad buuke, Buulo-kaahin Dharkeynta iyo deegaano kale oo dhamaantood ah deegaano ku yaala jiinka wabiga Shabeelle.

Weerarka maanta dhexmaray labada Meleeshiyo beeleed ayaa imaanaya, iyadoo muddo ku dhaw hal todobaad shir lagu heshiisiinaayo labada dhinac uu ka socday magaalada Baledweyne, waxaana dagaalka maanta dib u bilaawday walaac ka muujiyay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]