4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 13, 2021
Dadaweynaha ku dhaqan deegaanada Somaliland oo siwayn u xusay munaasibada ciida


Talaado, May, 13, 2021 (HOL) - Dadweynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa siwayn ugu soo baxay munaasibada ciidal Fidrida, waxana kala qayb galay saraakiil sar sare oo katirsan dowlada oo madaxweyne Biixi ugu horeeyo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mustijaamaca caasimada Hargaysa dadweynaha kagala qayb galay tukashada salaada ciida, isagoona dadweynahii tukanayay u jeediyay hadalo dardaaran ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in loobahanyahay in laysku tashado oo ganacsatadu ay sakadooda wax kamida dowlada siiyaan si buu yidhi isku filaansho dhaqaale loo gaadho.

“Waxa caqligeena laga dhaadhiciyay in ay nu nahay foqora oo aynaan waxba qabsan karin, walalayaal Illahay maanta xoolo waa ina siiyay, 2.5% sakada kamida haduu qofku bixiyo, baahiyaheena oodhan weynu dabooli karnaa” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa markii salaada laga baxay dadweynaha kulamo salaana kula qaatay hotelada Casood iyo amabassador ee magaalada Hargaysa.

Dhinaca kalena madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo saraakiil sar sar oo xukuumada katirsan, ayaa iyaguna dadweynaha caasimada kula tukaday garoonka kubada cagta ee Hargaysa stadium.

Dhamaan gobolada iyo dagmooyinka Somaliland ayaa salaada ciida si balaadhan looga oogay iyadoo masuuliyiinta deegaankasta ay bulshada kala qayb galeen, tukashada salaada ciida.

Waxa la xayiray isku socodka dhalinyarada ee maalmaha ciida, oo hore maal mahan oo kale dalxiis ugu kala gooshi jiray gobolada Somaliland, sarakiisha amaanka ayaa arrintan ku sababeeyey, in ay ka hortagayaan khasaare ay keeni karaan shilal ka dhasha baabuurta dhalinyaradu wadato.

Ciida sanadka ayaa marka laga reebo tukashada salaada ciida iyo booqashada qaraabada kula dagan magaaladaada, anay jirin damaadshaadyadii ay dhalinyarado samayn jiree, waxana sameeyay xayiradaha ay dowladu soo saartay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]