4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 11, 2021
Dowladda federalka, Somaliland iyo Puntland oo shaaciyay in berri la soomayo
 

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta ugu dambeysa bisha Ramadaan iyadoo la buuxinayo soddonka.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta, Sheikh Cumar Cali Rooble oo dadka kala hadlay Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa sheegay in baaritaan dheer ka dib la waayay cid aragtay bisha Shawwaal.

Marka laga tago dowladda federalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale sheegay in ay maalinta berrito ah tahay maalin Ramadaan maamulada Somaliland iyo Puntland oo si rasmi caawa u shaaciyay.

Wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa sheegtay in la waayay cid sheegta aragti bisha ayna go’aansadeen in lasii soomo illaa maalinta berri ah oo bishu ay ku buuxsamayso soddon cishe.

Sidoo kale, wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Puntland, ayaa iyadana ku dhawaaqday in ay berri Soon tahay kadib markii ay soo dhammaadeen kulamo ay wasaaradda iyo Culimaa’udiinku ku raadinayeen aragtida Bisha.

Dalalka dunida Islaamka oo ay Soomaaliya ku xiran tahay  ayaa si lamid ah shaaciyay in la waayay cid aragta bisha waxayna isku raaceen in la soomo berri.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa noqotay cidda kaliya ee shaacisay in ay berri ciid tahay, iyagoo goor dhowayd ku dhawaaqay warkaas, waxayna sheegeen in bisha laga arkay gobolada Gedo, Hiiraan, Baay,  iyo Bakool.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online