4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 11, 2021
Saudi Arabia '' Maalinta berri ah waxaa la kaamilayaa 30ka bisha Ramadaan

 

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Iyadoo siweyn caawa isha loogu wada hayay guud ahaan dunida Muslimka siweyn isha loogu wada hayay bisha Soonfur ee Shawaal ayeey inta badan wadamada dunida Muslimku ku dhawaaqeen in maalinta berri ah oo Arbaco ah ay tahay maalin Soon ah.

Dowladda Sacuudiga oo inta badan siweyn loola socdo hadba warka ay ka soo saartay sanad walba bilashada bisha Shawaal ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqday in maalinta berri ah la kaamilayo 30ka bisha Ramadaan, maalinta Khamiista ahna tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Inta badan masaajida ayaa la tukanayaa maalintii ugu danbeysay salaada taraawiixda iyadoo dadkuna isku diyaarinayaa maalinta berri ah 30ka bisha Ramadaan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]