4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 11, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go'aanka dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya
 

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aan Kenya ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya, xilli labada dal uu dib usoo celiyay xidhiidhkoodii diblumaasiyadeed ee horey u go’ay.

Wasiirka gaadiidka iyo duulistada hawada Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax, ayaa sheegay in aysan waxbo kala socon go'aanka Kenya ay ku hakisay duulimaadyada, sidoo kalena aysan ka helin wax wargalin ah madaxda dalkaas.

Kenya ayaa sheegtay in illaa bisha sideedaad ee sanadkan ay  hakinayaan duulimaadyada taga iyo kuwa ka yimaada Soomaaliya

"Runtii arrin la yaab leh ayay inoola muuqataa, wax la fahmi karana ma aha iyadoo hadda laisla lahaa dowladda Soomaaliya rabtay in lasoo celiyo heshiiskii labada dal, labo maalmood ka bacdi in Kenya ay qaadato go'aan noocan ah waa arrin aanan fahmeyn waxa ka dambeeyana aanan garan karin," ayuu yiri wasiirku.

Sanadkii hore bishan August ayay ahayd markii dowladda Kenya ay sidaan oo kale hakad galiyay dhamaan duulimaadyada aada iyo kuwa ka baxa Soomaaliya kadib khilaafkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dal ee deriska ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online