Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, May 11, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Uganda
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.
Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa markii lixaad ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha Uganda, kadib doorashadii bishii January ee sanadkan ka dhacay dalkaas.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Dowladda federalka, Somaliland iyo Puntland oo shaaciyay in berri la soomayo
5/11/2021 3:39 PM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta ugu dambeysa bisha Ramadaan iyadoo la buuxinayo soddonka.
Saudi Arabia '' Maalinta berri ah waxaa la kaamilayaa 30ka bisha Ramadaan
5/11/2021 1:41 PM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Iyadoo siweyn caawa isha loogu wada hayay guud ahaan dunida Muslimka siweyn isha loogu wada hayay bisha Soonfur ee Shawaal ayeey inta badan wadamada dunida Muslimku ku dhawaaqeen in maalinta berri ah oo Arbaco ah ay tahay maalin Soon ah.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay go'aanka dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya
5/11/2021 9:31 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aan Kenya ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya, xilli labada dal uu dib usoo celiyay xidhiidhkoodii diblumaasiyadeed ee horey u go’ay.
Musharax Aadan Qaasim Sulayman oo ka warbixiyay xadhigii lagula kacay
5/11/2021 7:20 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Musharax Aadan Qaasim Sulayman oo ka sharaxan xisbiga Waddani, oo dhawaan xabsiga laga soo dayay, ayaa xadhigiisa ku tilmamay mid xaqdaro ah oo siyaasadaysan.
Puntland oo hakisay safarka dadka ka imaanaya dalka Hindia
5/11/2021 7:03 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Puntland ayaa joojisay safarka dadka ka imaanaya dalka Hindia, halkaasoo uu ka dillaacay nuuca cusub ee cudurka Covid-19 oo maalin walba ay u geeriyoodaan boqolaal qof.
Dowladda Kenya oo joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya
5/11/2021 5:29 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay iney hakad galisay dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha tagayay kana imaanayay dalka Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka ah.
Mustafe Cagjar '' waxaan ku sii socon karnaa oo kaliya midnimo Soomaaliyeed
5/11/2021 2:12 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cumar ayaa sheegay in deegaannada Ismaamulka Soomaalidu uu guul ku gaari karo oo kaliya midnimada umadda Soomaaliyeed.
Waare '' Dowladda Soomaaliya ayaa xayirtay $35 milyan oo loogu deeqay Hirshabeelle
5/11/2021 1:47 AM EST
Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isaga oo sheegay xayirtay aduun lacageed oo dhan $35 milyan oo loogu talagalay in wax lagaga qabto fatahaada soo noq noqtay ee deegaannada Hishabeelle
Somali News
Miraa farmers call for an end to diplomatic row with Somalia
-
The Star
5/11/2021 3:20 PM EST
Miraa farmers from Meru have asked the government to resolve the diplomatic row with Somalia saying they are making huge losses following the frosty relationship between the two countries.
Kenya suspends Somalia flights for three months
-
Aljazeera
5/11/2021 3:13 PM EST
Kenya has suspended flights to Somalia just days after its neighbour said diplomatic ties between the two countries had been normalised following months of tension.
Kenya bans flights to and from Somalia
-
HOL
5/11/2021 2:58 AM EST
Mogadishu (HOL) - Kenya has banned all commercial and cargo flights to and from Somalia until August, despite agreeing to restore diplomatic relations just days ago.
Somalia upholds mirra ban
-
HOL
5/11/2021 2:24 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia has announced on Tuesday that the importation of mirra is still prohibited, according to a press release from the Somali Aviation Authority.
Twenty Palestinians killed in Israeli air raids on Gaza
-
Al Jazeera
5/11/2021 12:56 AM EST
More than a dozen Palestinians have been killed in Israeli air raids on the besieged Gaza Strip, according to the Palestinian health ministry, after Hamas launched rockets from the coastal territory towards Israel.
Somali army says kills 10 Shabab militants in central region
-
Xinhua
5/11/2021 12:49 AM EST
MOGADISHU- The Somali National Army (SNA) said Monday that its forces killed 10 Shabab militants in an operation in Hiran, a region in the central part of the country.
More than words: National Geographic virtual photo camp helps Somali refugee share her story
-
Syracuse
5/11/2021 12:41 AM EST
Through her writing and photography, 17-year-old Rayan Mohamed is a storyteller.
Said Shaiye says immigrant artists are expected to ‘perform trauma.’ He refuses to do that in his debut book, ‘Are You Borg Now?’
-
Sahan Journal
5/11/2021 12:31 AM EST
In an interview with his younger self, Said Shaiye, a Somali-American writer in Minneapolis, writes around his past by changing subjects and blending genres.
Meet the Somali-American running to dislodge Cam Gordon from Minneapolis Ward 2
-
Mshale
5/11/2021 12:21 AM EST
Yusra Arab, a policy advocate, mental health practitioner, and community organizer, has announced her intention to challenge incumbent Cam Gordon in Ward 2 of the Minneapolis City Council.