Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.
newsinsideMadaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo ku martiqaaday xafladda qaar ka mid ah Madaxda caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Uganda waxay madaxtooyada Soomaaliya sheegtay in uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan.
Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa markii lixaad ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha Uganda, kadib doorashadii bishii January ee sanadkan ka dhacay dalkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online