Dowladda Kenya oo joojisay duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya

 

Talaado, May, 11, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay iney hakad galisay dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha tagayay kana imaanayay dalka Soomaaliya, marka laga reebo diyaaradaha Qaramada Midoobay iyo kuwa gargaarka ah.

newsinsideWarbaahinta wadanka Kenya ayaa saaka ku warantay in dowladda Kenya ay joojisay duulimaadyadii Soomaaliya kala dhaxeeyay, iyadoona isla saakaba la hakiyay duulimaadyo aay kuso aadi lahayeen dad shacab ah gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Talaabadaan dowladda Kenya qaaday ayaa imaaneysa xili Khamiistii lasoo dhaafay dowladda Soomaaliya aay shaacisay iney dib usoo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeysay dowladda Kenya.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa in dowladda Kenya ay ku dhawaaqdo hakinta duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya aadayay iyo waliba kuwa ka imaanayay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]