4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Hal qof oo ku geeriyooday balli ku yaala duleedka magaalada Hargaysa


Sabti, May, 1, 2021 (HOL) - Warbixin ay soo saareen ciidanka dab-damisku, ayaa lagu sheegay in hal wiil uu geeriyooday kadib markii uu ku qarqoomay balli ku yaala duleedka galbeed ee Hargaysa.

Ciidamada dab-damiska ayaa sheegay in qof ka garab dhawaa wiil ka geeriyooday uu ciidanka usoo sheegay balse ay ahayd xili danbe oo uu dhintay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidanka dab-damisku ay goobta gaadheen isla markaana ay maydka kasoo sareen balliga iyagoo ay ciidanka booliskuna goob joog ka ahayen.

Wiil kan ayaa noqonaya qofkii kowaad ee ku nafwaaya biyaha tan iyo markii uu bilaabmay xili roobaadka guga.

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]