4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 1 , 2021
Madaxweyne Farmaajo oo awoodda hirgalinta doorashada ku wareejiyay raysal Wasaare Rooble
 

Sabti, May. 01, 2021 (HOL)  - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku wareejiyay hoggaamita hirgelinta doorashooyinka iyo amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasilloon.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay dowladdiisu in ay dadaal muuqda kubixisay qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa horu-socodka dalka, iyada oo mudnaanta la siinayo in midnimo iyo wadajirka lagu xaqiijiyo geedi socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka saxiixeyaasha heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiikaas iyo talooyinkii farsamo ee kasoo baxay shirkii Baydhabo ee16-kii Febraayo 2021. Sidaa daraadeed, waxaan farayaa Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baaxadda wayn ee hortaalla.”Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa cod buuxa ku meel mariyay codsiga madaxweyne Farmaajo oo ah in dib loogu laabto heshiiskii 17 september, kadib markii uu shaqeyn waayay sharcigii muddo kordhinta ee barlamaanku sameeyay 12 kii bsihii Abril.

Golaha midowga Musharrixiinta madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay in raysal wasaaraha Soomaaliya lagu wareejiyo hoggaaminta doorashada iyo in meesha laga saaro sharcigii muddo kororsiga horseedayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online