Dil xalay ka dhacay magaalada Godey iyo gadood ka dhashay dilkaas

 

Jimco Maarso, 05, 2021 (HOL) - Habeenkii xalay ahaa ayaa dil loogaystay wiil dhalinyaro ahaa oo ku noolaa magaalada Godey ee Degaanka Soomaalida.

newsinsideDilkan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa gaystay Askari, balse wali lama ogaan waxa sababay dilka wiilkan, iyadoo markii dambena gacanta lagu dhigay Askarigii dilka gaystay.

Dadka deggan magaalada Godey ayaa saaka ka gadooday dilka loogaystay wiilkan, iyadoo Booliska magaaladuna ay ku dadaalayaan sidii aysan dhibku usii fidin, isla markaana loosugo amniga magaalada.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]