4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Madaxweyne Biixi oo xilkii ka qaaday Maareeyihii Guud ee Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland


Maareeyaha Cusub Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle iyo Maareeyaha xilkii laga qaaday Capt. Cabdi Maxamed Rodol.


Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto oo maanta soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud Hay'adda Duulista iyo Madaarada Somaliland, Capt. Cabdi Maxamed Rodol.

Waxaa isla wareegtadaa lagu magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle oo noqondoona Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarda Somaliland.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.” ayuu Madaxweyne Biixi ku sheegay wareegtadiisa.

Maareeyaha Cusub Mudane Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle ayaa horay u ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Horumarinta Jidadka ee Somaliland.

Capt. Cabdi Maxamed Rodol oo xilkaan hayey muddo seddex sanno ah ayaa horay wuxuu u ahaa madaxii duuliyayaasha Sharikaddii Somali Airlines ee khadka ka baxday muddo ka badan soddon (30) sannadood.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]