4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Al-shabaab oo digniin ka soo saartay tallaalka Covid 19

 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL)-Xarrakada Al-shabaab ayaa uga digtay shacabka Soomaaliyeed in ay qaataan tallaalka Covid 19 ee AstraZeneca oo ay shaki badan galiyeen badqabkiisa.

Qoraal ay soo saareen ayeey ku sheegeen in tallaalka ay joojiyeen qaar kamid ah dalalka Yurub,

Waxaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliyeed marnaba awood u laheyn hubinta badqabka tallaalkan iyo wax tarkiisa intaba madaama aysan heysan sheybaar ay ku hubiyaan.

Waxaa ay shacabka ugu baaqeen in Alle bari ay sameeyaan si loo helo tallaal ammaan ah oo waxtar leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda bulshada ku boorisay in ay qaataan tallaalka oo aan dhag loo dhigin wararka been abuurka ah ee laga faafinayo sida ay hadalka  u dhigeen.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]