4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Booliska Nairobi oo soo saaray digniin ku aadan nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo qorsheynaya weerar duulimaad
 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab oo ay baadi goobayaan booliska la dagaalanka argagixisada.

Rashid Mwalimu, oo ah duuliye la tababaray, ayaa si dhuumaaleysi ah dalka Kenya uga dhoofay una soo dhoofay Soomaaliya kadib markii uu ka war helay in ay ku raad joogaan booliska.

“Waa duuliye tababbaran oo ku wajahan hawlgal weerar duulimaad. Xilligan, wuxuu ku dhuumanayaa Soomaaliya wuxuuna qorsheynayaa inuu si dhuumaaleysi ah dib ugu soo galo dalka. Haddii lagu arko, si naxariis leh ugu soo wargeli hay'adda nabadgelyada ee kuugu dhow, "ayaa lagu yiri bayaanka booliiska.

Booliska ayaa ninkan ku xiriiriyay nin kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo tababaran isla markaana duuliya ah. Magaciisu waa Cholo Abdi Abdullah, oo 3i jir ah, kaas oo hada ku jira xabsi kuyaala dalka Mareykanka.

Cholo Abdi Abdullah, ayaa laga qabtay dalka Filibiin sanadkii 2019 waxaana loo wareejiyay Mareykanka halkaas oo lagu soo oogay dacwad ah inuu maleegayay afduub diyaarad oo uu weerar ku fuliyo.

Labadan nin ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Ali Salim Gichunge, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii Dusit D2, oo ay ku dhinteen dhowr qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online