4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2021
Ciidamo la dhigay jidadka gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya

 

Arbaco, Maarso, 31, 2021 (HOL) - Ciidamo hor leh ayaa la soo dhigay jidadka gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyadoo goor dhaw lagu waddo in uu furmo kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Ciidamada oo gaar ahaan la dhigay waddada ka timaada dabka ee gasha madaxtooyada, wadada isgoyska Ceelgaabta iyo tan ku xigta ee hormarta Bacadlaha Xamarweyne, ayaa baaritaan adag ku sameynayaa dhamaanba gaadiidka doonaya in ay u gudbaan dhinaca xarunta madaxtooyada oo ay xitaa ay ku jiraan gaadiidka ay wataan xildhibaannada Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ayaa laga mamnuucay in ay ka qeybgalaan 15 xildhibaan oo guddoonka Goluhu ku eedeeyay in ay fowdo ka sameeyeen kulankii ugu danbeeyay Golaha Shacabka Sabtidii aynu soo dhaafnay.

Foognaan dheeraad ah ayaa ka muuqata ciidamada, iyadoo dhawaan xildhibaannada laga mamnuucay fadhiga Golaha wacad ku mareen in ay ka qeybgalayaan kulanka maanta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]