4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Madasha badbaado qaran oo sheegtay in aysan aqbalidoonin wax muddo kordhin ah
 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Madasha Badbaado Qaran ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen waxay ku caddeeyeen in aysan marnaba aqabali doonin wax muddo kororsi.

Madashu waxay sidoo kale sheegtay in aysan gacmaha ka laabandoonin muddo kordhin lagu carqaladaynayo dimuqraadiyada iyo xasiloonida.

Waxay kaloo aad u cambaareeyeen go'aankii 15-ka xildhibaan looga joojiyay fadhiyada barlamaanka, Waxayna sheegeen in masuuliyada dhibka soo gaara xildhibaanadan uu dusha ka saaraynayo guddoomiye Maxamed Mursal.

Maalinta berrito ah barlamaanka Soomaaliya ayaa yeelandoona kulan aad loo hadal hayo oo suurto galin kara inuu muddo kordhin ku dhawaaqo.

Waxay imaanaysaa xilli dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku heshiin la'yihiin heshiiskii arrimaha doorashada ee 17 kii september.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online