4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
45 ruux oo u geeriyootay isbuurasho ka dhalatay macsalaameynta meydka madaxweynihii Tanzanian

 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Saraakiisha Booliiska dalka Tanzanian ayaa shaaca ka qaaday in 45 ruux ay u dhinteen isbuurasho ka dhalatay macsalaameynta meydka madaxweynihii hore ee dalkaasi John Magufuli 21 bishan.

Baliiska ayaa sheegay in dhimashadani ay timid kaddib markii kumanaan muwaadiniin murugeysan ay isku dayeen in ay xoog ku galaan gudaha garoonka la dhigay meydka madaxweynaha oo geeriyooday 17kii bishan aynu ku jirno ee Maarso.

"Waxaa jiray dad badan oo doonayay in ay garoonka soo galaan, qaar badan uma aysan suurtagalin, waxaa ay isku dayeen in ay xoog ku soo galaan garoonka taasna waxaa ka dhashay is jiid jiid. 45 qof ayaa dhimatay" ayuu yiri taliyaha Booliiska dalkaasi Tanzanian Lazaro Mambosasa.

Shan ka mid ah dadka dhintay ayaa ka soo wada jeeday hal qoys,  sida  uu sheegay taliyaha Booliiska oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Tobanaan kun ayaa u soo baxay si ay u xurmeeyaan, iyagoo safaf dhaadheer ku jira, ooyaya isla markaana la ordaya sanduuqa iyada oo mootooyin ciidan ay ku dhex wareegayaan magaalooyinka.

Is-buurashadan ayaa ka dhacday maalintii labaad ee sharfidda meydka Garoonka Uhuru Stadium ee Dar es Salaam, markii dadweynaha loo oggolaaday in ay soo dhaweeyaan.

Arrintan ayaa noqon karta dhacdo dhif iyo naadir ah marka ay timaado sagootinta meydka, waxaana ay muujineysaa sida dadka reer Tanzanian ay u jeclaayeen madaxweynahooda geeriyooday. 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]