4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Wasaarradda Caafimaadka Soomaaliya oo dadka ku dhiiri-galisay in ay qaataan Tallaalka Covid 19

 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Qoraal ka soo baxay Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa bulshada ku dhiirigalisay in ay qaataan tallaalka Covid 19 oo hadda la gaarsiiyay inta badan gobollada dalka.

Tallaalkan ayaa dadka qaar ka aamineen figrad qaldan, sidaa daraadeed Wasaarradda ayaa ugu baaqday warbaahinta iyo culimada in ay dadka ku wacyigaliyaan faa'iidada uu tallaalkan u leeyahay.

“Culumadda dalka oo aan mar walba ku bogaadineyno dadaalka ay ka geystaan waciygelinta ka hortagga COVID-19, waxaan ku dhiirigelinaynaa in ay sii koojiyaan dadaalkaan oo bulshada ay la wadaagaan halista uu leeyahay cudurka COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda caafimaadka.

Hoos ka akhriso qoraalka soo baxay Wasaarradda :-

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]