4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 30, 2021
Galmudug oo xukun ku riday kalluumeysato Ajaanib ah

 

Talaado, Maarso, 30, 2021 (HOL) - Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa ganaax lacageed ku riday kalluumeysato ajaanib ah oo la sheegay in ay si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan deegaannada uu maamulku ka arimiyo.

Maxkamada gobolka Mudug ayaa 31 ruux oo kalluumeysato reer Yemen ah ayaa qofkiiba lagu riday ganaax lacageed oo dhan $ 700 oo dollar.

Xeer ilaalinta maxkamada ayaa sheegay in kalluumeysatadan laga qabtay inta u dhaxeysa magaalooyinka Xarardheere iyo Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana lagala wareegay doomihii iyo qalabkii ay wateen.

Marka laga soo taggo 31 ruux ee ganaaxa lagu riday sidoo kale waxaa jiray 8 carruur ah oo aan iyagu wax ganaax la saarin oo ula socday kalluumeysatadan in ay caawiyaan, taasoo tirada guud ka dhigeysa 39 qof. 

Maxkamadda  ayaa digniin u dirtay doomaha iyo ganacsatada shisheeye ee sida sharci darrada ah uga kalluumaysta biyaha Soomaaliya, gaar ahaan Galmudug.

Waa tiradii ugu badneyd dad ajaanib ah oo mar kaliya ganaax noocan ah lagu rido gudaha deegaannada Galmudug.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]