4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
James Swan'' Waxaan soo dhaweyneynaa dadaallada wadajirka ah madaxda maamuladda xubnaha ka ah federaalka

 

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dadaallada wadajir ah madaxda maamuladda xubnaha ka ah dowladda dhexe ee federaalka si heshiis buuxa looga gaaro arrimaha doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa dadaalka wadajirka ah ee maamuladda xubnaha ka ah Federaalka si loo helo tanaasul, isla markaana kulanka Dowladda Faderaalka ah iyo kuwa heer gobol uu horay ugu sii socdo dhanka doorashooyin ku saleysan hannaankii doorasho ee 17-kii Sebteembar,” ayuu yiri James Swan.

Hadalka James Swan ayaa imanaya kaddib kulan maanta xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo wakiilada beesha caalamka kaa looga hadlayay sidii loo dhameystiri lahaa hannaanka geedi socodka doorashada heer Qaran oo wali dhinacyada oo dhan aysan heshiis ku aheyn.

Todobaadyadii ugu dambeeyayba wakiilada beesha caalamka ayaa  dadaal ugu jiray sidii  madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka u gaari lahaayeen heshiis wax ku ool ah oo salka u dhiga doorasho wadar ogol ku dhacda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]