4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 29, 2021
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka in aysan damqasho ka muujin weerarkii xabsiga Bosaso
 

Isniin, Maarso, 29, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Gallan ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in dowladda federalka Somaaliya aysan wax dareen ah ka muujin weerarkii dhawaan kooxda Alshabaab ku qaaday xabsiga Bosaso.

Wasiirka amniga ayaa caddeeyay in weerarkaas ay Alshabab ku guulaysteen in ay xabsiga Bosaso kala baxeen maxaabiis isugu jirtay Alshabab, Daacish iyo dad gacan ku dhiiglayaal ah oo xukumnaa.

Cabdisamad Gallan wuxuu sheegay taas bedelkeed in ay dowladda federalka isku dayday in ay amni xumo ka sameyso magaalooyin nabad ah oo Puntland ku yaalla si ay colaad uga kiciso.

“Waxa ugu yar ee aan ka sugaynay dowladda dhexe waxay ahayd in ay danqasho ka muujiyaan wixii dhacay iyo in ay dhiirri galin u sameeyaan ciidamada ka hor tagay argigixisadaas dhibka la damacsanaa Puntland iyo shacabkeeda,” ayuu yiri wasiirka amniga.

“Xaashaa lillaahi ma dhicin taas, waxaad ka wada dharagsan tihiin in magaalooyinka nabad galyada ku naaloonaya oo ay ugu dambeysay Dhahar, in ay isku dayeen in ay fad qalalo ka abuuraan oo colaad ka kciyaan, dadkana hubeeyeen” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka amniga Puntland wuxuu ku eedeeyay masuuliyiin dowladda federalka katirsan in ay barahooda Facebook-ga ku buun buuniyaan dhacdooyinka lidka ku ah amniga Puntland, isagoo tilmaamay in ay muujinayso in dowladda federalka aan laga sugin karin wax Soomaali midaynkara.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online